Maxaa ka jira in Somaliland ay taageertay dagaalka ka socda waddanka ITOOBIYA?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Ciise Kayd Maxamuud ayaa beeniyey wararka sheegayey in Somaliland ay taageertay dagaalka ka socda dalka Itoobiya ee u dhexeeya xukuumadda Abiy Axmed iyo jabhadda hubeysan ee TPLF.

Kayda oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa shaaca ka qaaday mowqifka Somaliland ee ku aadan xaaladda cakiran ee Itoobiya, wuxuuna sheegay inay dhex-dhexaad ka tahay waxaa haatan ka socda dalkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay taageereyso dadaal kasta oo xal loogu raadinayo colaadda ka taagan wadanka Itoobiya.

“Waxaanu taageersanahay waxkasta oo nabadgalyo iyo dhex dhexaadin ah oo Itoobiya ka socda, annaga Somaliland ahaan in aanan faragalin siyaasada gudaha ee Itoobiya weeyan mowqifka siyaasadayada arrimaha dibadda,” ayuu waresigaan ku yiri wasiir Ciise Kayd.

Sidoo kale wuuxuu faah faahin ka bixiyey wada-hadalladii madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo midka dowlad deegaanka, Mustafe Cagjar wuxuuna tilmaamay in labada hoggaamiye ay ka wada arrinsadeen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya.

“Iskaashi uunbaa laga hadlay, nabad galyada ayaa laga hadlay iyo in la is waydaarsado sirdoonka, xidhiidhkii caadiga ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ka dhaxayn jiray uun baa laga wada hadlay” ayuu markale yiri wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumada Somaliland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ee Itoobiya ayaa sheegeen in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu taageeray dagaal Itoobiya, gaar ahaan garabka Abiy Axmed, kadib markii uu wada-hadallo la yeeshay madaxweyne Cagjar.

Si kastaba, Itoobiya ayaa haatan ku jirta xaalad jahwareer ah, waxaana dagaalka oo haatan sii xoogeystay hoggaaminaya ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Abiy Axmed.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii