25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

“Ciddii aan isku dayno inaan la hadalno waxa uu halis galinayaa naftaada” Waxaa sidaa yiri…!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Tarafikada ee taagan waddooyinka magaalada Muqdisho, ayaa ka cabanaaya tixgalin la’aanta wadayaasha gaadiidleyda magaalada Muqdisho.

Taliyaha Tarafikada Cali Maxed Cali ayaa sheegay in Wadayaasha Gaadiidka Magaalada Muqdisho xiligaani aysan u hogaansamin dhowrista amarradooda, waxa uuna sheegay in wadihii lagala hadlo arrinkaasi uu sheekadu xumeynaayo.

Wuxuu sheegay in wadayaasha qaar aysan awoodin inay la hadlaan ciidamada wadooyinka, waxa uuna farta ku goday inay ku maquunin doonaan awood intaa iyo wixii ka badan.

Taliyuhu waxa uu sheegay in markan ay dhankooda go’aansadeen kuwii Dukuminti laga waayo in la geeyo Maxkamadda, waxaana uu intaa ku daray in Maxkamadda ay tahay kaliya meesha ugu fudud oo ay ku kala bixi karaan, sida uu hadalka u dhigay.

Baabuurta Xawaaraha dheereeya ku socota ayuu sheegay in iyagana looga fadhiyo in ay u fiirsadaan waddooyinka oo yar-yar halisna gelin kara qofka gaariga wada iyo dadka kale Nafsaddooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News