Xog: Madaxda Soomaalida oo amar la duldhigay

Muqdisho (Caasimada Online)-Habeen ka hor waxaa Kismaayo lagu soo gebagebeeyey xaflad sagootin u ekeyd, taas oo ahayd maaweelo iyo madadaalo. Kadib markii gelinkii danbe ee dorood lagu kala kacay shirkii goonida ahaa ee u socdey Madaxda Soomaalida. Madaxda Soomaalida ayaa ku heshiin kari waayey qaabka loo marayo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Subaxnimadii shalay waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo soo gaarey diyaarad dib u qaadi lahayd qaar kamid ah Siyaasiyiinta ka qayb-galeysey Shirkii Wadatashiga Qaran.

Sida ay warbaahintu ogaatey waxaa madaxda Soomaalida soo gaarey cadaadis ka yimid Beesh Caalamka, waxaana subaxnimadii shalay soo gaarey Kismaayo Safiirka Imaaraadka Carabta, waxa uu shir kooban la qaatey Siyaasiyiinta shirka ku kala kacay.

Fariinta Safiirka ayaa ahayd mid kooban, waxa uu ka codsadey in aan shirka lagu kala tegin iyada oo wada hadalkoodu qaatey laba maalmood keliya,. Waa waqti aad u yar Khamiis-Sabti, ee loo baahan yahay in ay waqti intaas ka badan wada hadlaan, fursadda hadda hortaalna aysan dib u heleyn, si kale oo indha adayg ah haddii aan hadalka u dhigno waxaa si toos ah loogu sheegay in ay go’aan gaaraan haddii kale go’aan loo gaarayo ay ku khasbanaan doonaan.

Waxaa dib u noqdey diyaaraddii qaadi lahayd qaar kamid ah Madaxdii boorsooyinka xir-xirtey.

Waxaa maanta ka socdey Kismaayo shirar goono gooni ah, waxaana ay u dhexeeyeen Puntland, Jubaland, Federaalka, Galmudug, Koonfur Galbeed. Jubaland, Galmudug. Federaalka, Puntland, ma jirin shir dhamaan la isku soo horfariistey, mana jirto ilaa iminka wax isu soo dhawaansho ah.

Puntland iyo Jubaland waxay weli ku doodayaan in ay tanaasul sameeyeen ee dhinaca kale laga doonayo in ay tanaasul sameeyaan oo aysan suurta gal ahayn waxay wada doonayaan in ay wada helaan.

Muddo kordhis

Waxaa iyaduna miiska saran qorshe ah in muddo kordhis loo sameeyo hay’adaha Federaalka ah ee hadda jira, inkasta oo taageerada uu haystaa ay tahay mid yar, Muddo kordhinta waxaa lagu diley shirkii Muqdishi 15 Diseember, waxaa la is weydiinaya qaabka uu dib ugu soo noolaadey?.

Khilaafka 18 Gobol?

Qaar kamid ah Madaxda shirka ka qayb-galaysa ayaa diidan wax qaybsiga iyo jaangoynta 18 gobol. Dowladdii hore ee Soomaaliya waxay dalka uga tagtey 18 gobol, Dastuurka Federaalka iyo kuwii ka horeeyeyba waxaa lagu qeexay in Soomaaliya ka kooban tahay 18kii gobol ee ka horeeyey 1991. Madaxda diidan maamuladoodu waxay ku dhisan yihiin kuwii dhashey wixii ka danbeeyy 1969, waxaana la isweydiinayaa waxa hadda dib u soo nooleeyey khilaafka gobolada oo isaguna shirka khilaafkiisa qayb ka ah.

Maxaa laga filan karaa shirka?

Inkasta oo cadaadis ka baxsan Soomaalida maanta lagu baajiyey in boorsooyinka laga xir-xirto Kismaayo ayeysan muuqan wax ay isku waafaqi karaan. Sida muuqata kama fursan doonto in Ajnebigu soo dhexgalo isla markaana lagula hadlo luuqad ay fahmi karaan. Haddii kale shirka waxaa ka soo baxaya, war murtiyeed nuxurkiisu yahay wada hadal danbe!.

W/Q: Maxamed Cusmaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com