Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo Muddo ku dhow 10 Sano deganaa Jaamacadda Gaheyr ayaa saakay ugu dambeyntii ka guuraya xarunta Jaamacadda.
Ciidamada dowladda Burundi ayaa Sanadkii 2007dii degay Jaamacadda Gaheyr qeybteeda Degmada Dharkenley.
Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska , waxaa goobta ay ka guuraya Ciidamada AMISOM degi doono ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.
Wararka waxa ay sheegayaan Ciidamada Gaheyr ka guuraya in ay aadayaan Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ,halkaasi oo ay ka sameysteen Saldhig.
Guud ahaan maanta waxaa xiran wadada dheer ee ka timaada Ex-Control Afgooye illaa Isgoyska KM4, sababtana waxaa lagu sheegayaa inay tahay ciidamada Amisom ee Saldhigaasi ka guuraya.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

