25.8 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo Jawaab kulul ka bixiyey hadalkii Sheekh Nuur Baaruud

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay haddal uu Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ugu hanjabay xildhibaanada Soomaaliyeed.

Farriin uu bartriisa facebook soo dhigay ayuu Fiqi u qoray sidan:-

“Hadalkii Sh. Nuur Baaruud habeen dhoweyd uu ka yiri akadeemiyadda Booliska ee isugu jiray kicinta, goodinta, nacayb abuurka & xaalad aan jirin abuurka kuna wajahnaa xildhibaanada labada gole ee dawladda Federaalka ah, wuxuu ahaa hadal gef ku ah barlamaanka dawladda federaalka ah, dastuurka dalka isla markaana halis galinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan xildhibaanada.

Waxaa wax laga xumaado ah in madaxda sare ee dalku ay goobta waxaasi ka dhacayeen fadhiyeen ayagoon wax fal celin ah arintaas ka dhihin, ayadoo arintaasi aheyd hanjabaado toos ah oo halis galin kara nolosha xildhibaanada barlamaanka.

Hadalka Sheekhu ma ahayn mid ku qotoma arin jirta, wuxuu ahaa mala-awaal iyo buunbuunin been kooxo dawladnimada diidan ay abuureen, Barlamaanka Dawladda Federaalka waa mid ka mid ah hey’adaha saddexda ah ee dawladda waana saldhigga dawladnimada, cidda hey’adaha dawladda midna soo dhoweysata midna diida waa cid ka soo horjeeda dawladnimada, waana kuwo maslaxadooda gaarka ah doonaya in ay fushadaan.

Hadaba, madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ah ilaaliyaha dastuurka qaranka waxaan ugu baaqayaa inuu gefkaas jawaab shaafi ah ka bixiyo, hadda ka dibna uusan marqaati ka noqon meel loogu gefayo hey’adaha dawladnimadu ku taagan tahay sida barlamaanka, dhinaca kale Sh. Baaruud inuu hadalkaas aan munaasibka ahayn ee ka dhacay uu ka soo noqdo, kana cudurdaarto”

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News