29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Maxaa kusoo kordhay Socdaalka Rex Tillerson ee xalinta Khilaafka Khaliijka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kuwait (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa weli dhex maquuraneysa xal u raadinta xiisada ka dhex aloosan wadamada Khaliijka.

Dowlada Mareykanka ayaa waxaa howlaha xal u helida Khilaafka u matalaaya Xoghaya arrimaha dibedda ee Marayakanka Rex Tillerson oo hadda ku sugan dalka Kuwait.

Rex Tillerson, waxa uu kulamo kala duwan halkaa kula qaadanayaa Amiirka dalka Kuwait, Wasiiro iyo madax kale oo ka kala socta dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qadar.

Rex Tillerson, ayaa si hor u dhac ah u sheegay in dowlada Mareykanka ay rumeysan tahay in xal u helida Khilaafka uu yahay mid ku jira gacanta dowladaha Khaliijka ee muransan.

Rex Tillerson, waxa uu tilmaamay in Mareykanka uu u muuqanaayo inuu faraha kala bixi doono howlaha xal u raadinta Khilaafka, maadaama ay dowlada Sacuudiga maldaheyso Siyaasado hoose.

Rex Tillerson, waxa uu cadeeyay inay horay u qaaten go’aano lid ku ah xiisada, haddana ay xooga saari doonaan xalinta xiisada.

Dowlada Mareykanka ayaa horay u sheegtay inay sabab u aheyd xiisada ka dhex aloosan Khaliijka, sida uu ku faanay Madaxweynaha Mareykanka Trump.

Dhinaca kale, Bishii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii diblamaasiyad u jareen dowladda Qadar. iyaga oo ku eedeeyay in ay deganaansho la’aan ka wado gobolka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News