Ciidamada Ammaanka iyo rag hubeysan oo xalay ku dagaalamay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa is rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Booliska degmadaasi iyo rag hubeysan oo watay dareeska ciidamada milatariga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka oo xilligaas waday howl-gal iyo ragga hubeysan oo markaasi la socday mooto Bajaaj la sheegay inay xoog kusoo raaceen, taas oo mareysay xaafadda Jamhuuriyo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay toogasho ku dileen mid ka mid ah raggii hubeysnaa ee ay la dagaalameen, waxaana sidoo kale uu dhaawac fudud soo gaaray sarkaal lagu magacaabo Daa’uud Dalmar oo ah taliye ku xigeenka Booliska Kaaraan.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku dhigeen koox dhalinyaro oo ciyaal weero ah, kuwaas oo dhibaato xoogan ka waday xaafadda Jamhuuriyo, kuwaas oo iyaguna ku hubeysnaa Mindiyo iyo Baangado ay ku waxyeeleyn jireen dadka shacabka ah.

Saraakiisha ammaanka oo ka hadlay ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan ragga burcadda ah iyo dhalinyarada ay soo qabteen, iyaga oo intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda halkaasi.

Kaaraan ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagnaa dhibaatooyin amni darro, iyada oo meeshii ugu sarreysay ay gaartay qaylo dhaanta dadka deegaanka ee ku nool degmadaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka taagan xaalado is-biirsaday, sida xiisad siyaasadeed iyo mid amni darro, taas oo ku aaday xilliga doorashada dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii