Prof. Xuseen Warsame: Yaan la yareysanin hanjabaadda Mareykanka ee Soomaaliya

Calgary (Caasimada Online) – Prof. Xuseen Axmed Warsame oo barre ka ah Jaamacadda Calgary ee dalka Canada ayaa sheegay inaanan la dhayalsan karin hanjaabadda Mareykanka, ee ku aaddan in uu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo carqalad ku ah waddada nabadda ee Somaliya.

“Hanjabaadda Mareykanka lama yareysan karo. Wadamada Galbeedka iyo hay’adahooda ayuu hormuud u yahay, marka ay ugu yaraato waa marka la iska kaa dhaafyo ee la yiraahdo war kuwaan aan iska ilowno, waxba kama soo socdaanee. Taasina waxay keeni doontaa in dhaqaale badan oo la helo ama la quudin jiray, mashruucyo ama miisaaniyad kabid ha ahaato ay naga maqnaadaan. Marka arrintaasi yaan la yareysanin,” ayuu yiri Prof. Xuseen Axmed Warsame oo VOA la hadlay.

Prof. Xuseen Axmed Warsame ayaa yiri “Waxaan rajeynayaa Madaxda Soomaalida, oo ay ku dhex jiraan dad badan oo dowladda ka mida, oo Maamul Goboleedyada aan ogahay inay dhex ordayaan, ha dhageystaan dadkaas bannaanka ah, talooyinka ka imaanaya.”

Waxa uu intaa ku daray “Mareykanka iyo Ingiriiska dhawaaqiisuna waxaan filayaa runtii inuu wax uun ka sii tari doono, ee aanu waxba u dhimi doonin.”

Prof. Xuseen Axmed Warsame oo baaq u jeedinayay Madaxda Dowladda Federaalka ayaa yiri “Waxaan oran lahaa madaxda, labadooduba dib ha ugu noqdaan mowqifkooda gaarka ah, oo ha iska shakiyaan, malaha wada sax matihiin ha is yiraahdaan, qiimaha ugu badana hala siiyo waqtiga ugu yar ee lagu soo dhameynayo doorashooyinka, oo ah halka loo socdo, wa aniga lahaa waa roob di’i doona oo doog laga sugayo.”

Hadalkiisa ayuu intaa ku daray “Walaalkay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxaan ka codsanayaa, isagaan dhabarka isa sii saarayaa inuu dib uga noqdo shaqo ka joojinta Ra’iisal Wasaaraha, oo uu candhuufta dib u liqo, taasaa furuhu yahay. Furaha labaad waxaa weeye walaal Ra’iisal Wasaare Rooble yaan lees carinin, ragga lama cariyo ee isugu yeer Madaxdii Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, go’aan aad degdeg ugu dardargelinaysaan doorashooyinka soo saara.”

Baaqyada ay aqoonyahanada Soomaaliyeed u jeedinayaan Madaxda Qaranka ayaa ku soo aadaya, xilli uu sii kordhayo cadaadiska uu caalamku ku saarayo Madaxda Qaranka dardargelinta doorashooyin hufan oo daahfuran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii