Arrin uu sameeyey wasiirka arirmaha dibedda Pakistan oo caro ka dhalisay Sacuudiga

Islamabad (Caasimada Online) – Dadka Sacuudiga ayaa si caro leh uga hadlay hab “aflagaadeyn” ah oo uu u fariistay wasiirka arrimaha dibedda Pakistan intii uu socday kulan uu la yeeshay safiirka Sacuudiga ee Pakistan.

Waxay si weyn baraha bulshada ugu dhalleeceeyeen wasiir Shah Mahmood Qureshi ayaga oo ku eedeeyey “xushmad darro” uu ku sameeyey safiirka Sacuudiga ee Islamabad Nawaf bin Said al-Malki.

Qureshi ayaa la arkayey inuu lugtiisa midig dul saaray tan bidix kadibna u jeediyey dhanka safiir Nawaf, taasi oo dad badan oo Sacuudiyaan ah ay ku qeexeen aflagaadeyn. 

Labada mas’uul ayaa kulmay si ay uga wada hadlaan dhacdooyinka gobolka dibna ugu eegaan xiriirka labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda Sacuudiga ee Pakistan.

Hase yeeshee dadka Sacuudiga iyo Carabta ayaa dhan kale ka eegay kulanka. 

“Wasiirka Arrimaha Dibedda Pakistan wuxuu safiirka Sacuudiga u qaabilay si aan horey loo arag,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ka carooday falkan.

“Haddii aanay jirin sabab caafimaad oo ku kaliftay, wasiirka arrimaha dibedda Pakistan wuxuu ku kacay nacasnimo iyo jaahilnimo xadgudub ku ah nidamaka diblomaasiyadda,” ayuu yiri qof kale.

“Haddii aan ahaan lahaa safiirka Sacuudiga, waan isaga tagi lahaa kulankaas,” waxaa sidaas isna caro ku muujiyey qof saddexaad.

Qof kale ayaa isna baraha bulshada ku qoray “edab-darro, maskax la’aan iyo dhaqan aan diblomaasi aheyn oo uu wasiirka arrimaha dibedda Pakistan ku sameeyey safiirka Sacuudiga. Sidee ayuu uga aamusay aflagaadadan.”

Dadka kale qaarkood ayaa “habka afalaagdeynta ah” ee uu Qureshi u qaabilay Nawaf la barbar dhigay “habka wanaagsan” ee uu ula macaamilo diblomaasiyiinta kale, taasi oo ku sheegeen inuu ugu talo-galay.

Pakista iyo Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasi iyo mid militari oo qoto dheer, hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa liitay sanadihii tegay kadib markii Islamabad ay diiday codsiga Riyadh ee ahaa inay ciidan ku tabarucdo dagaalka Yemen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii