‘Sababta Farmaajo ku kaliftay inuu isku dayo afgambiga’

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabaddoon Cali Jeesto oo ka hadlay afgambigii fashilmay ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku qaaday xafiiska Ra’iisul Wasaare, ayaa sheegay inay ka dambeyso markii uu Rooble kasoo horjeestay kursiga uu u boobay Yaasiin Farey.

Waxa uu sheegay in Farmaajo u adkeysan waayey in Ra’iisul Wasaare Rooble uu cadaalad u raadiyo kursiga HOP#067 oo guddigiisa ay u xalaaleeyen Ku-simaha agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Farey.

“Haddii Farmaajo uu ka samri waayey kursi laga soo dhiciyay oo isku dayey in uu ku ciqaabo Ra’iisul Wasaaraha go’aaankii uu ka qaatay guddigii uu sameystay, intaas ayuu ka billowday khilaafka,” ayuu yiri Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 oo loo boobay gacan yaraha Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu carabaabay haddii uu madaxweynihii hore ka samri waayey hal kursi, uusan ka samri doonin kuraas kale oo uu rabo in uu boobo, taasi oo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.

“Soomaaliyeey hadafkiina waxaa ku xaqiijin kartaan inaad iska dhicisaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hadafkiinu waa nabad, dowlad wanaag, waa doorasho loo dhan yahay oo lagu tartami karo.”

Nabaddoonka ayaa sheegay in dowladnimada ku dhismi karto in qofna aan lagu xadgudbin xaqiisa, oo uu isku soo taagi karo kursiga uu rabo, ayada oo Odayaashana xaqooda la duudsin karin.

“Nimankan Shabaabka loo yaqaano qofka haddii uu u shaqeyn waayo sida ay rabaan qoorta ayaa laga goynaya, Farmaajo-na qofkasta oo aan kula shaqeynayn fikirka uu qabo Soomaaliya wax kuma laha! – Ma aqbali karno.”

Ugu dambeyntiina waxa uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan rabitaanka guracan ee Farmaajo oo dalka u horseeday bur-bur iyo xaalado kal hore si adag looga soo gudbay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii