Ciidamada Axmed Madoobe oo xalay gurigeeda kala baxay haweeney caan ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka amar qaata madaxtooyada Kismaayo ay gurigeeda kala baxeen Haweeney caan ah.

Haweeneydaan ayaa lagu magacabaa Aamino Shukri Ibraahim, waxayna ka tirsaneed Golaha Isbadal doonka Jubaland lamana oga sababta ka dambeysa in lala baxo.

Qaar ka mid ah ehellada Aamina oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada madaxtooyada Jubbaland ay ka dambeeyeen falkaasi. Ciidamada la baxay Haweeneydaan ayaan la ogeyn halka ay u kaxeesteen.

Aamina Shukri Ibraahim, waxay kamid tahay dumarka ugu caansan Kismaayo waayihii ugu dambeeyay waxayna caan ku aheyd doodaha looga soo horjeedo Maamulka Axmed Madoobe oo dhawaan la heshiiyay Cabdirashiid Xidig oo ay Golaha Isbadal doonku Madaxweyne u doorteen balse aan qeyb ka noqon heshiiskii uu galay.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka Jubbaland oo arintaan ku saabsan, waxaana heli weynay xariiro aan la sameynay mas’uuliyiinta amniga Jubaland.

Jubbaland oo tan markii dib loo doortay Axmed Madoobe lugaha la sii galeyso xiisado siyaasadeed ayaa waxaa muddooyinkii dambe muuqday isku soo dhawaasho u dhexeeya dhinacyada isku haya hoggaanka maamulkaasi, kadib heshiiskii ka dhacay dalka Kenya.