Ciidamada ay hor-kacayaan Indha-Cadde iyo Saadaq Joon oo aag beddeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa taageersan musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo ciidamo kale oo diidan muddo kororsiga oo ay hogaaminayaan Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde ayaa isaga guuray agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim halkaas oo ay ku sugnaayeen habeenadii tegay.

Ciidamada ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan inay u guureen dhinaca Xaafada Siigaale ee degmada Hodan, halkaas oo iyaga iyo madaxda la socota ay fariisin cusub ka sameysteen.

Jen. Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde ayaa lagu warramay inay tallaabada ay qaadeen ku sheegeen istiraatiijiyad ciidan oo ay ka aag bedesheen xaruntoodii hore, waxaana hadda ay u muuqdaan inay isku fidiyeen degaano cusub, ayaga oo kusoo dhowaanaya dhanka madaxtooyada.

Waxay sidoo kale ku xirmeen ciidamo kale oo horey u haystay xaafadaha Barmuudo, Dambka iyo qeyb ka mid ah Howlwadaag, kuwaas oo iyagana kasoo horjeeda dowladda, kuna beel ah ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Arrintan ayaa ka dhigan in waddada inta badan xaafadaha ka hooseeya Maka Al-Mukarama ee ka tirsan Howl-Wadaag iyo Hodan ay haystaan ciidamada kasoo horjeeda dowladda federaalka.

Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ee Dowladda ayaa bilaabay inay furaan wadada u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka, halkaas oo horay ay dhufeysyo uga sameysteen Ciidamo ka tirsanaa kuwa taageersan mucaaradka oo ilaalo u ahaa musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde.

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ee Xaafadaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ka socda barakac ay sameeynayaan dadka shacabka ah, iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo.