Ciidamada DF oo difaac ka sameystay Daljirka Daahsoon

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhammaan jidadka soo gala Taalada Daljirka Daahsoon oo ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka sameysteen difaac xooggan.

Ciidamada ayaa dhagxaan waa-weyn ku gooyey wadooyinka soo gala Taalladan oo u dhow dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta lagu arkayaa ciidamo badan oo ka tirsan kuwa loo yaqaano Duufaan iyo gaadiid dagaal oo lasoo dhoobay halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in ciidamadu ay difaacyo ka sameysteen aaggaasi, si ay uga hortegaan weerar uga yimaada dhanka mucaaradka.

Dhinaca kale waxaa guud ahaan caasimada ka jira dhaq-dhaqaaqyo xoog leh oo iska soo horjeed, kuwaas oo ay wadaan dowladda iyo mucaaradka.

Sidoo kale shacabka ayaa billaabay barakac xoog-leh, waxaana degmooyinka laga qaxay ka mid ah Hodan, Howlwadaag, Warta Nabadda iyo Boondheere, ka agaal markii xaafado ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinkaasi ay fariisimo ka sameysteen ciidamada mucaaradka.

Si kastaba xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta aad u kacsan, waxaana cabsi ballaaran laga muujinayaa inuu markale dagaal culus ka qarxo gudaha caasimada.