Xundubey oo ku dhowaaqay tallaabo ka dhan ah ciidanka ku sugan Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee xiisadda dagaal ee ka jirto Magaalada.

Wasiir Xundubey ayaa sheegay in ciidamada kasoo horjeedo kuwa Dowladda Soomaaliya ay yihiin ciidamo leh dhaqan mooryaanimo kuwaas oo uu sheegay inay dhac iyo dil u geysanayan dadka Shacabka.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidamadaan ay dadka Shacabka ah ku qasbayaan inay guryahooda ka baxaan taasoo uu ku tilmaamay inay tahay arrin aan wanaagsaneyn.

Xundubey oo la hadlayey madaxda xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo muddo kordhinta uu sameystay madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay inaysan gabaad u noqon dad aysan hadhow maamuli karin.

“Madaxda waddo abaabulka dagaal waxaan u sheegayaa inaysan gabaad u noqon ciidamo aysan hadhow maamuli karin isla markaasna leh dhaqan mooryaanimo taasoo dhibaato ku noqon doonta dadka Muqdisho,” ayuu yiri Wasiir Xundubey.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xiisadda dagaal ee ka taagan Magaalada Muqdisho ee gabaad iyo fursad siineyso kooxda Al-Shabaab oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa mar kasta ka faa’ideysto khalalaasaha.

Ugu damneyntii Wasiir Xundubey ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay leedahay awood buuxda oo ay ku maamusho kuna qabsato guud ahaan Magaalada Muqdisho balse wuxuu sheegay inay u turayaan dadka Shacabka isla markaasna ay diidan yihiin in Bil Ramadaan lagu dhex dagaalamo xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah.

Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in dowladda ay isku dayday in ay ka baaqsato in lagu dhex dagaallamo shacabka, isagoo ciidanka muddo kororsiga diidanna ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan barakicinta shacabka qeybo ah magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay talaabo ka qaadi doonto kuwa uu sheegay in ay yihiin malleeshiyaad oo dhiirogelinaya argagixisada, isla markaana ciidanka amniga ay ku dadaalayaan xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

Hadalkan Wasiirka ayaa u muuqday mid dagaal oo xiisadii ka jirtay magaalada sii kordhin kara, waxaana uu ku soo aaday, iyadoo saacadihii la soo dhaafay si aad looga barakacayey degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan, kaddib markii ciidanka ka soo horjeeda kuwa dowladda ay farriisimo hor leh ka sameysteen goobahaas.