Ciidamada BURUNDI oo dib ula wareegay CEEL-BARAF

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Burundi ee qaybta howlgalka ATMIS ay dib ula wareegeen, iyaga oo kaashanaya ciidamada milatariga Somalia, deegaanka Ceel Baraf ee gobolkaasi.

Ciidamada huwanta oo qaaday howlgal wadajir ah ayaa gudaha u galay saldhigga deegaankaas oo ay laba todobaad ka hor weerar ku qabsatay kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ayaa lagu soo warramayaa inay ku dageen saldhigga, kadibna ay ciidamadu dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen deegaankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in howlgalka, ka hor ciidamada ATMIS ay madaafiic ku gaareen qaybo ka mid ah Ceel Baraf, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin halkaasi, ayna ciidamada Burundi iyo kuwa dowladda si nabadoon kula wareegeen Ceel Baraf.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana deegaanka inta badan isaga barakacay qoysaskii deganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka labada dhinac.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalka ay wadaan ciidamada dowladda Soomalaiya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Ceel Baraf ayaa waxaa dhowaan ka dhacay weerar ku billowday qaraxyo oo ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigga Burundi, halkaas oo ay ku dhinteen askar fara badan.