Ciidanka Danab oo qabtay gaari siday qaraxyo culus

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo kaashanaya Daraawiishta Jubbaland ay howlgallo ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo.

Howlgallada ayaa si gaar ah waxaa looga fuliyey deegaanada Gabdhoole iyo Beerxaani oo qiyaasti 40 KM u jira  caasimada KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo ka hadlay howlgalladaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari Pro Box ah oo lagu raray waxyaabaha qarxa, isla-markaana ay toogteen wadihii gaariga, inta uu socday howlgalka lagu fashiliyey weerarkaas qaraxa ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, isla-markaana ay ka hortageen, kadib xog ay heleen.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay inay soo saaraan illaa saddex miino oo lagu aasay halkaasi, ayna toogasho ku dileen laba nin oo Al-Shabaab u qaabilsanaa aasida qaraxyda.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku sugan yihiin deegaano duleedka ka ah magaallo xeebeedka Kismaayo.

Gobollada Jubbooyinka oo dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa weli ku xoogan dagaalyahanada Al-Shabaab oo weeraro culus kasoo abaabula halkaasi.