Beesha Cumar Maxamuud oo soo saartay digniin culus kana hor-timid tallaabo uu qaaday Deni

Garowe (Caasimada Online) – Isimada, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beesha Cumar Maxamuud ee Majeerteen ayaa soo saaray qoraal ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, iyagoo sheegay in faro-gelin qaawan uu ku hayo doorashada labo kursi oo beeshaas ay ku leedahay golaha shacabka.

War-saxaafadeedka beesha oo ka kooban 7-qodob waxaa lagu sheegay in Saciid Deni uu soo xareystay xubno aan aheyn ergadii ay beeshu u xulatay doorashada kuraasta kala ah HOP#198 iyo HOP#199.

Shir 9-kii Janaayo 2022 ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay qoraalkaan in beesha Cumar Maxamuud ay ku qeybsatay ergada loogu tala galay inay soo doorato kuraastaas, iyadoo odayaasha iyo isimada beesha ay Garowe kula kulmeen Madaxweyne Deni si ay ula wadaagaan heshiiska ay beeshu ka gaartay doorashada kuraastaas.

Hase yeshee waxay sheegeen in Deni uu baalmaray heshiiskii beesha, isla markaana uu suuqa kazoo qortay ergo aan aheyn tii ay iska soo xuleen jufooyinka hoose ee beesha Cumar Maxamuud, xilli maanta ay guddiga doorashada Puntland shaaciyeen liiska ergada iyo xubnaha bulshada rayidka ee loo soo xulay inay doortaan kuraasta HOP#198 iyo HOP#199.

“Isimada beesha Cumar Maxamuud waxay go’aamiyeen in musharaxiinta beeshu aysan ka qeyb gelin xulashada socota eek u saleysan boobka, lana aqbali doonin cidii ku soo baxda fowdada hadda socota,” ayaa lagu yiri bayaanka caawa ka soo baxay beesha.

Sidoo kale beesha ayaa ka digtay qalalaase amni oo ka dhalan kara boobka ay sheegeen in lagu hayo kuraastaas, iyagoo cadeeyey in masuuliyada dhibkii ka dhasha uu qaadi doono Madaxweyne Deni.

“Beesha Cumar Maxamuud waxay ka digeysaa qalalaase ka dhashay boobka kuraasta HOP#198 iyo HOP#199, kaas oo wax yeeli kara amniga Puntland, beeshu waxay cadeyneysaa in dhibkii ka dhashay boobka kuraastaas uu masuuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni,” ayaa lagu yiri bayaanka beesha Cumar Maxamuud ee Majeerteen.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran