Indha-qarshe: Farmaajo wuxuu keenay 3 arrin oo ciidanku ka dhismi la’yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa soo bandhigay 3-caqabadood oo waaweyn oo ciidanka Soomaaliya uu ka dhismi la’yahay, kuwaas oo nidaamka Farmaajo uu la yimid, sida uu sheegay.

“Nabad iyo Nolol markii ay timid waxaa is bedelay nidaamkii dhismaha ciidanka Soomaaliya, seddax qodob oo sii dumineysa rajada dhismaha ciidanka Soomaaliyey ayey la timid,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe oo tiriyey caqabadahaas.

Qodobka koowaad: Ugu horeyn waxuu sheegay in Farmaajo uu ku shaqeeyo qorshe ah in ciidanka ay soo qoraan wadaado iyo odayaal dhaqan, isla markaana askariga lagu qoro heybtiisa.

“Wadaado ku heyb ah iyo kaabo qabiilo hadii ay soo qoraan askarigaas waxuu aaminayaa odaygii soo qoray ee ciidanka ku soo darsaday, wax wadaniyad iyo dal jaceyl ah soo geli maayaan, maadaama uusan marin wax imtixaana oo adeerkiis uu keensaday meesha, wadadii qaranimo arki maayo, oo wadadii qabiilka ayuu qaadayaa askarigu,” ayuu yiri Indhaqarshe.

Qodobka labaad: Waxuu sheegay intii Farmaajo uu xukunka joogay in shir ka dhacay London – Ingiriiska lagu go’aamiyey in nidaamkii hore laga leexiyo dhismaha ciidanka qaranka oo awooda wax laga siiyo dowlad goboleedyada.

“Heshiiskaas waxuu dhigayaa in ciidanka jooga deegaanada dowlad goboleedyada aan taliyaashooda la bedeli karin ama la magacaabi karin, iyadoo aan ogolaansho laga heysan madaxweynaha maamulkaas, mar labaad ayuu ciidankii ku laabtay gacanta qabiilka, maadaama Taliyaha ciidanka uusan wax awood ah u laheyn, inuu ciidanka u bedelo deegaan kale oo ciidankii xuduud ayuu yeeshay,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe.

Qodobka seddaxaad: “Waxaa dhici jirtay mararka qaar in 3-nin oo walaalo ah ay jagooyin waaweyn ka hayaan ciidanka, maanta taasi ma jirto, hadii aad sarkaal bedeleyso waxaa lagu leeyahay nin qabiilkiisa ah oo lagu bedalo raadi, laakiin ciidanku reer hebel kuma shaqeeyo, waa inaad hesho nin kartida jagada loo magacaabaayo leh,” ayuu yiri.

Jeneraal Indhaqarshe oo ugu yaraan laba jeer soo noqday Taliyaha ciidanka xoogga dalka waxa uu sheegay dhibaato ugu weyn ee heysata ciidanka Soomaaliya inay tahay in sarkaalkii la bedalo booskiisa loo raadiyo sarkaal ku qabiil ah.

“Aad ayaan ula yaabi jiray arrintaan, marar badan ayaan madaxdii kala dambeysay kala hadlay, Farmaajo dhowr jeer ayaan kala murmay, waxaan u soo jeedi jiray in ciidanka sidaan laga daayo, waxaan xasuustaa habeen aan ku iri Farmaajo, mawaxaa aaminsan tahay in wadaadka iyo kaaba qabiilka ciidanka soo qoraya ay naga wadanisan yihiin?” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Indhaqarshe waxuu ka deyriyey nidaamka loo maray dhismaha ciidanka xoogga dalka iyo hanaanka loo maamulo, isagoo tusaale u soo qaatay ciidankii Abriil 2021-kii ka hor yimid mudo kororsiga iyo kii difaacay ee Muqdisho ku dhex dagaalamay.

“Taasoo kale waligeed ma dhicin, waxaana u sabab ah qaabkii loo qoray ciidanka, askari adeerkiis soo qortay, isaga ayuu aaminsan yahay ee malahan aaminaad iyo wadaniyad qaran ee qabiil ayuu aaminsan yahay, dhibka ugu weyn ee Soomaaliya heysta waa Al-Shabaab, waxaa la rabay in ciidanku uu la diriro, sidoo kale waxaa la rabay in askariga loo bedali karo meeshii la doono, laakiin awoodaas waa lumiyey Taliyuhu,” ayuu yiri Jeneraal Daahir Indhaqarshe.