Mareykanka oo taageeray go’aanka gudiga doorashada heer federaal iyo ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ayiday jadwalka cusub ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer federaal, kaasi oo dhigaya in 14-ka bisha April la dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada aqal.

Sida ku cad jadwalka Guddiga FEIT 16-ka bishaan illaa 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in lasoo uruuriyo dukumintiyada xildhibaanada alabada Aqalka ee baarlamaanka, iyadoo 24-ka ilaa 29-ka la qorsheeyey in la hubiyo dukumintiyadaas.

Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa niyad wanaag ka muujisay fulista jadwalkaan cusub ee soo xareynta xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka 11-aad iyo dhaarintooda, kaasi oo ay ka hor-yimaadeen dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ayagu soo gaba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxa qoraalka Safaarada Mareykanka ee lagu taageeray jadwalkaan cusub ayaa waxaa lagu sheegay in dhaarinta kadib la kulmi doonaan xildhibaanada cusub ee Soomaaliya.

“Waxaan rajaynaynaa in aan la kulano Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya kaddib markii la dhaariyo 14-ka April, weliba xilli ku habboon,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo lasoo dhigay twitter-ka.

Shalay unbey aheyd markii ay Safaarada Mareykanka sheegtay inay garowsan tahay in dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ku dhameystireen doorashada Golaha Shacabka waqtigii loo igmaday, ayada oo nasiib darro ku tilmaamtay in Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Hirshabelle ay seegeen waqti kale oo muhiim ah.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka beesha caalamka ee sida dhow isha ugu haya arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo dhameystirka doorashada Golaha Shacabka oo dhowr jeer uu ku yimid dib u dhac.

Si kastaba, sida uu qorshuhu yahay 14-ka Abriil xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa qabanaya xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad.