Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay aagga Nuur Dugle, gaar ahaan halka loo yaqaano Ceelka Cali Salaad, waxaana lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ku socdaalayay halkaasi.
Ciidamada huwanta oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa u galay waddada, kadibna waxay la beegsadeen weerar dhabagal ah oo uu kooxdu kasoo gaaray khasaare culus.
Mid kamid ah saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay inay xogta marin cusub oo waddo ah oo ay Al-Shabaab ka sameysteen halkaas, kadibna ay sidaas ku weerareen.
“Gadabkooda ayaa lagu jaray meesha dhiigooda ayaana daadsan hadda waa nabad Nuur Dugle, Ceelka Cali Salaad iyo Huurwayne” ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidanka Xoogga dalka.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in ay jab culus gaarsiiyeen argagixisada ayna ku baab’iyeen weerarka ay maanta ku qaadeen.
“Khawaarijt halkan soo gashay annaga ayaa u dhignay siriq shabaqa waa soo galeen, waana ku baabi’inay” ayuu sii raaciyay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana goobaha uu howlgalku ka dhacay ku sugan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.
Nuur Dugle oo ah magaallo Diimeed ayaa waxaa haatan si adag u difaacanaya xaq-u-dirirka deegaanka oo kaashana Xoogga dalka, waxaana hadda ka socda abaabul culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Kooxda ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay isku fidineysay Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaannadii horay looga qabsaday kadib culus ay soo saartay deegaannada maamulka HirShabelle.

