Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareegay deegaano cusub oo ku yaalla xadka laba gobol

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramaya in howl-galo ay sameeyeen saacadihii ugu dambeeyay kula wareegeen degaano cusub oo ku yaalla inta u dhaxeysa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Deegaanada ay Shabaab kala wareegeen gacan ku hayntooda ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxay kala yihiin degaanada Aflax iyo Cali Heelle.

Ciidanka huwanta ayaa sida la sheegay waxay howl-gallada ka wadaan xadka labada gobol ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Howl-gallada ay sidoo kale waxaa lagu ekeeyay deegaano dhowr ah oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu Korneyl Maxamed Ibraahim Xeyle u sheegay idaacada Shabelle.

“Howl-gallada oo tan iyo shalay ka wadeen ciidamada deegaanada kala qeybiya Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa laga soo hooyay guulo wax ku ool ah,” ayuu yiri Korneyl Maxamed Ibraahim Xeyle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay la wareegeen dhul baaxadiisu lagu qiyaasay 70-KM.

Howl-gallada ay ciidamada deegaanada kula wareegeen ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay wado qorshe lagu bilaabayo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kuwaasi oo xooggooda ay ka dhici doonaan gobollada Jubbooyinka.

Si kastaba, Wejiga labaad ee howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa qeyb ka noqon doona ciidamo ka socda dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, sida ay sheegtay dowladda