Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Suuqa-cirtoogte ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gudaha Suuqa lagu arkaayo Ciidamo kala duwan oo Hubkooda iibinaayo.
Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada qaarkood ay wataan Qoryaha loo yaqaan AK47 oo cusub, halka qaarna ay wataan qoryahaasi oo muddo badan la isticmaalay.
Ciidamada Hubkooda iska iibineysa ayaa sheegay in badi ay yihiin musaafuriin, halka qaarna ay sheegen inay isaga tageen Ciidanimada.
Sababta ugu weyn ayey sheegen inay tahay Mushaar la’aan ka heysata dhanka Dowlada, waxa ayna taa ka doorbideen inay isaga baxaan dalka iyo Ciidanimaduba.
Ciidamada Dowlada ayaan muddo Afar bilood ah lasiin wax Mushaar ah, waxa ayna inta badan dhaqaalaha Dowlada ku baxaan Xaflado iyo Mooshino.
Docda kale, saameynta arrintaani ayaa waxaa iminka laga dareemayaa dhammaan Wadooyinka magaalada Muqdisho oo laga raray Ciidamadii howlgalka ka fulin jiray.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]