Ciidamada DF oo howlgal ku dilay sarkaal sare oo Al-Shabab ka tirsanaa + Magaca

Xudur (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u qaaday guutada 9-aad qeybta 60-aad oo beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa degmada Xudur iyo deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool.

Sida uu shaaciyay abaanduulaha guutada waxaa howlgalkan lagu dilay horjoogihii kooxda u qaabilsanaa gobolka Bakool oo macagiisa lagu koobay Xiirane.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay cagta mariyeen goobo gambaad u ahaa maleeshiyada Al-Shabaab oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka fuliyaan halkaasi.

Abaanduulaha guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka oo sii hadlaya ayaa xusay inay sii wadi doonaan howlgallada, ayna ku wajahan yihiin deegaano horleh.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed,

Si kastaba howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ahShabaab ee ka socda haatan inta badan gobollada dalka, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray.