26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada DF oo is hor fadhiya & qeyb la safatay A/Madoobe + Cabsi dagaal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Balad-Xaawo (Caasimada Online) Gudoomiyaha degmada Beledxaawo Cadow Nuur Xasan, ayaa qiray in laga baqanayo in dagaal uu ka dhaco deegaanka Tuulo Amiin oo kamid ah deegaanda hoos yimaada degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Wuxuu Sheegay Gudoomiyuhu in Ciidamadada is hor fadhiya inay yihiin kuwo kala daabacsan Maaamulka Dooloow, iyo sidoo kale Degmada Balad-Xaawo, waxaana uu sheegay in baqdin xoogan laga qabo in dagaal uu dhex maro labada Ciidan.

Gudoomiyaha Degmada Balad-Xaawo, Cabdi Nuur, ayaa sheegay in Ciidamada dhanka Dooloow ka yimid ay taageersan yihiin Kuwa Maamulka Jubba, isla markaana ay doonayaan in degmada iyo Deegaanada ku dhaw dhaw inay u gacan geliyaan Maamulka Axmed Madoobe.

Ciidamada ku sugan Balad-Xaawo, ayuu sheegay inay taageersan yihiin dowlada Soomaaliya, dhowaana lagu Biiriyay kuwa ururka Ahlu Sunna .

Ciidamada Ururka Ahlu Sunna ayuu sheegay inay yihiin kuwo taageersan kana mid ah Ciidamada dowlada Soomaaliya, isla markaana hal hadaf ay wada leeyihiin , ayna ka mideysan yihiin aayaha gobolka Gedo.

Xiisadan ka taageen Balad-Xaawo, ayaa waxaa laga Baqanayaa inay isku Badasho Gacan ka hadal, waxaana dadka deegaanka ay muujinayaan Cabsi xoogan oo arintaasi ku aadan .

Maamulka Junna wali arintan kama uusan halin , sidoo kale Saraakiisha ciidmada dowlada Soomaaliya ee gobolkaas ayaanan dhankooda ka hadlin .

Caasimada Online

Xafiiska Balad-Xaawo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News