Ciidamada dowladda oo la wareegay magaalo ay 15 sano ku sugnaayeen Al-Shabaab

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgallada ka socdo gobolka Galgaduud.

General Caanood ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guullo ka gaareen dagaalladii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Wabxo iyo tuulooyinka u dhow.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyey in ciidamada huwanta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Wabxo oo ah magaallo ay 15 sano ka badan maamulayeen xoogaga Al-Shabaab.

“Ciidanka muddo hal saac kahor waxay la wareegeen deegaanka Wabxo oo ah magaallo weyn oo ballaaran oo illaa xalay howlgalka uu ka socday,” ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ay qabsadeen toolooyin kale oo hoostaga deegaankaasi, sida Warxoolo, Waragibile iyo Ceell Gorof.

Dhinaca kale afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyey khasaaraha ka dhashay dagaalladaas balse wuxuu tilmaamay inay dib ka shaacin doonaan.

“Ciidanku howlgalkaas uu shalay sameeyey wixii khasaare ah oo dambe dib ayaan idin kaaga soo sheegi doonaan,” ayuu markale sii raaciyey.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana deegaanada soo galay gacanta dowladda ay dhacaan inta u dhexeysa degmooyinka Ceelbuur iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.