28.3 C
Mogadishu
Tuesday, November 25, 2025

Ciidamada DF Somalia oo arrin xun kula kacay XILDHIBAAN.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ex. Xildhibaan Xuseen Maxamed Gaagaale oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka dalka ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Dowlada ay jir dil xoogan u geysteen xili uu la shiraayay tirro Odayaal ah.

Xuseen Maxamed Gaagaale oo u waramaayay Idaacada Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dhacdadaani ay ku qabsatay goob uu kula shiraayay Odayaal, waxa uuna sheegay in wakhtiga uu kulanka socday ay u imaadeen ciidamo uu kusoo dalbaday Taliye ku-xigeenka Booliska Gen. Mukhtaar.

Waxa uu sheegay in goortii ay ciidamada u imaadeen isaga iyo Odayaasha lagu amray inay ku kala tagaan kulanka hayeeshee ay amarka qaaten.

Xuseen Maxamed Gaagaale oo dhacdadaasi kasoo qaatay qeybo yar ayaa yiri “Waxaa noo imaaday ciidamo uu soo diray Taliye ku-xigeenka Booliska Gen. Mukhtaar waxa ay nagu amreen inaan ku kala tagno shirka amarka waan qaadanay waana kala tagnay, anigu waxaan u dhaqaaqay dhanka gurigeyga waxaa iga daba yimid ciidamadii oo igu amray inaan kasoo dego gaarigeyga kadibna aan raaco kan ay wateen anigu waan kadiiday amarkaasi, waayo maalmihii ugu danbeeyay waxaa leyguugu hanjabaayay in la idili doono”

“Goortii aan diiday inaan raaco waxa ay igu garaaceen qoryihii ay wateen kadib anigu waan miir beelay waxaa goobta iga qaaday dad shacab ah oo i geeyay gurigeyga”

“Waxaan dadka u sheegayaa in ciidamada dowladu ay qeyb ka yihiin dadka dadka ku dila magaalada”

Xuseen Maxamed Gaagaale, waxa uu sheegay in dhacdada ku dhacday uu mas’uul ka ahaa Taliye ku-xigeenka Booliska Gen. Mukhtaar, waxa uuna tilmaamay in ilaa iyo iminka uusan garaneynin waxa uu galabsaday.

Haddalka Xuseen Maxamed ayaa imaanaya xili mas’uuliyiin horay wax uga soo qabtay dowlada ay sidaa oo kale uga cabanayaan ciidamada dowlada, gaar ahaan kuwo loo soo adeegsado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News