“Shacabka Muqdisho nagama fileynin sidii aan u dhaqanay”

Muqdisho (Caasimada Online) – AMISOM ayaa shalaay ka joogta fadeexadii lagu qabtay askarta ka tirsan AMISOM ee gaareysa shanta ruux kuwaasi oo la qabtay iyagoo shidaal iyo agabka AMISOM iibsanaya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wax laga xumado ay aheyd qabashadii lagu qabtay askarta AMISOM iyagoo hub iyo shidaal iibinaya.

Wuxuu sheegay afhayeenka in saraakiisha amisom ay ka caroodeen markii ay maqleen dhacdada lagu qabtay ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ee la shaqeynayay.

’’Shacabka Somaliyeed nagama filaneyn in sidan oo kale aan u dhaqanno taas oo uu ku tilmaamay in ay ku yeelaneyso saameyn aan wanaagsaneen.’’Ayuu yiri Afhayeenka Amisom.

Laakiin Afhayeenka u hadlay AMISOM ayaa meesha ka saaray in shanta askari lagu maxkamadeynayo gudaha dalka Soomaaliya, hadalkaasi oo uu horey u sheegay xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dhamaan ciidamada la qabtay ee AMISOM ka tirsan lagu maxkamadeyn doono dalalkooda, maadaama horey dowlada iyo midowga africa hishiiskaasi u kala saxiixdeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com