Arrintii uu Xasan ka yiri Nairobi oo dad badan shaki ku beertay

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in Qaxootiga Soomaalida ee ku jira Xeryahay Dhadhaab aan awood lagu soo celin doonin.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay inaan la aqbali doonin in qoys Soomaaliyeed uu kusii nagaado Xerada Dhadhaab waxa uuna tilmaamay in go’aankiisa uu yahay mid daba socda go’aanka Dowlada Kenya ee ah in gabi ahaan laga saaro Soomaalida ku jirta Dhadhaab.

Balse, madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay inaan jiri doonin wax khasab ah, balse aysan raali ka noqon doonin in Qoysas Soomaaliyeed ay kusii dhex noolaadan Xerada Dhadhaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhalinyarada wax ku bartey xeryahan iyo machadyada kala duwan ee Kenya, aqoontooda looga baahan yahay dalka, si ay dib u dhiska qeyb uga qaataan.

Kenya ayuu sheegay in si ganbasho la’aan ah ay u cadeysay mowqifkeeda ah inay dhibsatay Qaxootiga sidaa aawgeedna ay u rari doonaan Somalia, islamarkaana ay Qaxootiga heli doonaan nolol lamid ah tan ay iminka ku heystaan Xerada Dhadhaab.

Xasan waxa uu sidoo kale sheegay in Somalia ay iminka 60% isku filnaan gaartay sidaa aawgeedna ay u baahan yihiin Kumanaanka Soomaalida ah ee ku nool Dhadhaab, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ballanqaadi doonaan shaqeysiinta dadka ay ka rari doonaan dhadhaab.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili Dowlada Somalia ay ku filnaan la’ dahay Boqolaalka Soomaalida ee ku dayacan wadooyinka magaalooyinka Soomaaliya, waxayna dad badan shaki geliyeen in arrintan uu Xasan ka sheegay Nairobi ay dhici karto.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com