Ciidanka DF SOMALIA oo helay ballan qaad taageero oo muhiim ah kadib..

Wasiirka Gaashaandhiga wadanka Suudaan Cabdiraxiin Maxamed Xuseen ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay inay siiwado taageerada ay siiso dowlada Soomaaliya ee dhanka ciidanka ah.

Arintaan ayaa waxay ka danbaysay kadib markii magaalada Khartum ay kulan kuwada qaateen labada wasiir ee gaashaandhiga Soomaaliya iyo Suudaan.

Wasiirrada Gaasaandhigga Soomaaliya iyo Sudan ayaa booqday xarunta wasaaradda Difaaca dalka Sudan ee magaalada Khartoum, wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa lagu soo wareejiyey dhammaan qeybaha wasaaradda Difaaca, waxaana faah-faahin ka siiyey howlaha ay qabato wasaaradda dhiggiisa dalkaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Sudan Cabdixakiin Maxamed Xuseen, ayaa mar kale u mahadceliyey dhiggiisa Soomaaliya, waxa uuna sheegay in ay sii wadi doonaan taakuleynta ay siiyaan ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ee dhinacyada qalabka iyo Tababarrada.

Dowladda Sudan ayaa ka mid ah dowladaha Soomaaliya ka caawinaya dhinaca ammaanka sida tababarada ciidammada kala duwan iyo bixinta taakuleynt joogto ah, taasi oo sii xoojisay xiriirka u dhaxeeya labada dowladdood