Ciidamada dowlada oo dhaawacay Agaasime ka tirsan Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa habbeenimadii xalay magaalada Muqdisho lagu dhaawacay mid ka mid ah Agaasime Waxeedyadda Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Agaasime waaxeedkan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey, oo ku magacaaban Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Agaasimaha ayaa la sheegay inay rasaaseeyen ciidamo ka tirsan dowlada, kadib markii ay ka shakiyeen gaari uu la socday oo isku dayay inuu si xooli ah ku dhaafo ciidamada.

Agaasimaha ayaa xiliga la rasaaseynaayay maraayay agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana la xaqiijiyay in dhaawiciisa uu yahay mid aan sidaa usii buurneyn, sida ay xaqiijiyeen dad ku booqday isbitaalka lagu dabiibaayo.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa xaqiijisay dhaawaca Agaasimaha waxa ayna barteeda Facebook ku soo qortay in lagu soo wargeliyay dhaawaca Agaasime C/llaahi.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa la sheegay inay ku dhaceen ilaa Seddex xabadood oo kaga beegnaa dhanka caloosha, hase ahaatee ciidamada rasaaseeyay ayaa ku andacoonaaya inuu isku dayay awood.

Dhinaca kale, Saraakiisha ciidamada dowlada ayaan weli ka hadal dhaawaca Agaasimaha, inkastoo la sheegay in xaalkiisa uu iminka yahay mid caadi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com