Goormee ayey qabsoomeysaa Doorashada Kursiga BF ee uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ka socda diyaar garow lagu doonaayo in lagu qabto doorashada Kursiga Xildhibaanimo ee uu ka dhintay Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji.

Doorashada ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta Beri ah, waxaana la filayaa in shaqsiyaadka u tartamaaya Kursiga Marxuum Cabaas Siraaji uu kamid yahay wiil la dhashay oo ka imaaday dalka dibadiisa.

Xubnaha ku tartamaaya Doorashada oo ku sugan magaalada Kismaayo, ayaa saaka halkaa kawada diyaar garowgii ugu danbeeyay maadaama ay maalinta Beri ah dhici doonto Doorashada.

Waxaa Magaalada Kismaayo xiligaan diyaar ku ah dhammaan Ergooyinkii loogu tala galay in ay wax doortaan.

Xaliimo Yarey oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa Banaan, ayaa saxaafada u xaqiijisay in maanta ay bilaabi doonaan in ay hubiyaan Ergooyinka, islamarkaana ay xaliyaan wixi tabasho ah ee jira si ay biri u dhacdo Doorashada.

Amniga ayey sheegtay in si weyn loo adkeyn doono mudada ay socto Doorashada, islamarkaana ay ka hortagi doonaan wixii musuq iyo eedeynba ah.

Sidoo kale, Guddiga doorashooyinka ayaa wadda dadaallo lagu soo buuxinaayo kuraastii ka banaanaatay Golaha Shacabka.

Bishii lasoo dhaafaya ayey aheyd markii ay Guddiga ku qabteen Magaalada Jowhar Doorashada kursi ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com