Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo isku horfadhiya degmo ka tirsan MUDUG

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo qaybo kamid ah koonfurta gobolkaasi, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ay isku horfadhiyaan deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, iyada oo laga cabsi qabo inuu dagaal ka qarxo halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan xiriiro la sameynay ayaa sheegay in labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, isla markaana gaadiidka dagaalka lagu arkayo aagga Xarardheere.

Xiisaddan cusub ayaa timid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay qaadeen howlgallo qorsheysan oo Al-Shabaab looga xoreynayo gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

Sidoo kale, dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa daba socdo howlgllada oo qaatay saddex maalmood oo xiriir oo aya si wada jir ah u sameeyeen  Kumaandooska Gorgor iyo ciidanka Xoogga, qeybtooda 21-aad iyo ciidamadda deegaanka, kuwaas oo jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta.

Ciidamada ayaa howlgalladaasi ku gaaray deeaanno ay kamid yihiin Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadad oo dhammaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo muddo dheer ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxaha argagixisada.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay siiwadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ujeedka uu yahay inay Khawaarijta ka xoreeyaan dhulkaasi.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana lagala wareegay deegaanno iyo dgemooyin muhiim ah oo ku yaalla gobolladaas oo hoostaga Galmudug.