Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay deegaanka Masagawaay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramaya inay maanta la wareegeen deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud kadib weerar dhowr jiho ah oo ay ku qaadeen gudaha deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen Masagawaay, isla-markaana ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo lagu xaqiijinayo amniga.

Cidiamada ayaa sidoo kale isku ballaariyay daafaha deegaankan oo ay sanado badan ka talinayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ugu dambeyn maanta lag saaray.

Qabashada Masagawaay ayaa soo socotay maalmihii u dambeeyay, waxaana howlgalka fuliyay ciidamada milatariga & kuwa deegaanka ee ka tallaabay xadka Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxayna saraakiishu sheegeen inay ka warbixin doonaan howlgalka ka socda halkaasi, marka ay xaqiijiyaan amniga guud ee deegaanka.

Masagawaay ayaa billow u ah xoreynta ay waddo dowladda Soomaaliya oo haatan qorshaheeda uu yahay in Al-Shabaab laga saaro gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Howlgallada ka socdo dalka ayaa guullo waa weyn laga gaaray, tan iyo markii ay kasoo billowdeen gobolka Hiiraan, waxaana hadda uu dagaalka u wareegay gobollo cusub.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab oo muddo ka badan 15 sano la dagalaameysay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ayaa haatan wajaheysa dagaalkii ugu adkaa ee abid lagu qaado, kadib markii ay kacdoonka haatan socdo ku biireen dadka deegaanka.