Axmed Madoobe oo dacwad culus ka gudbiyay Fartaag

Muqdisho (Caasimada Online – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inuu dacwad ka gudbiyay Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare lagana soo doorto dowlad goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa dacwaddan toos ugu gudbiyay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxayna salka ku heysaa arrinta gobolka Gedo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay Senator Fartaag inuu ku howlan yahay shaqooyin aan aheyn kuwii loo soo doortay, isla-markaana uu dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Jubbaland ka wado gobolka Gedo, sida uu ku dooday Axmed Madoobe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dacwada kadib uu guddoomiye Cabdi Xaashi xiriir la sameeyay Senatorka, isaga oo ku amray inuu degdeg ah ugu soo laabto Muqdisho.

Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag & wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Janan ayaa maalmo kahor tegay gobolka Gedo, ayaga oo halkaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaq xoogan, taas oo ay si weyn uga hortimid dowlad goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa doonaya in uu dhinac uun u rido xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay illaa doorashooyinkii soo dhammaaday, waxaana sidoo kale haatan Muqdisho ku xigeenkiisa 1-aad Maxamuud Sayid Aadan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolkaasi.

Labada mas’uul ayaa ujeedkooda waxa uu yahay inay dowladda federaalka ay kala hadlaan sidii loo soo afjari lahaa arrinta Gedo, si gobolkan uu ugu soo gacan galo Jubbaland.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo mowqifka ay dowladda federaalka ka qaadan doonto xiisadda markale kasoo cusboonaatay gobolka Gedo.