Ciidanka DF oo la wareegay magaalo ka tirsan Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobola Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay saaka gudaha u galeen magaalada Baacadweyn ee gobolkaasi, kadib markii ay ka baxeen Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa si nabadoon kula wareegay magaaladan, waxayna hadda ka wadaan howlgallo lagu sugayo amniga iyo kuwa miino baaris ah.

Qaar kamid dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin magaalada, isla-markaana ay carareen xubnaha Al-Shabaab ee joogay halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa isku fidiyay deegaanka Qaycad iyo dhammaanka dhulka u dhexeeya Qodod iyo magaalada Camaara oo dhacda koonfurta gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug oo siyaabo kala duwan uga hadalay qabashada deegaanada ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray ciidamada wada howlgalladaasi.

“Ciidanka Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo geesiyaasha difaaca shacabka ayaa si buuxda ula wareegay magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo Camaara” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Dhanka kale, waxaa howlgalladan barbar socda duqeymo diyaaradeed oo ay fulinayaan saaxibada caalamiga ah, kuwaas oo iyana khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe.

Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey ayey kala joogaan ciidamada dowladda, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa kooxda laga xoreeyey toddobaadkaan dhamaaday.