Dagaal ka dhex-qarxay ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ee gobolka Bakool

Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo saaka ka dhacay deegaanka Booco oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi, waxayna xaaladdu tahay mid cakiran.

Deegaanka lagu dagaalamayo oo lagu magacaabo Booco ayaa u dhow degmda Rabdhuure ee gobolka Baay, halkaas oo dhaq-dhaqaaq xoogan laga dareemayo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay  Al-Shabaab waddada u gashay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo kolonyo ah oo ku socday degmada Waajid, sidaasna uu ku qarxay dagaal u dhexeeyo labada dhinac.

Ciidanka Itoobiya ee la wareeraray ayaa lagu soo warramayaa inay ka soo gudbeen xuduudda, isla-markaana inta aysan gaarin saldhigooda waddada loo galay.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda  duleedka degmada Rabdhuure, waxaase la soo weriyay in hub culus laga maqlayo aaggaasi.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in tan iyo salaaddii subax ay maqlayeen hubka labada dhinac ay isku ridayaan.

Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.