Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleeyno dhismaha maqaayadda Pizza House ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ay gudaha u galeen qeeybo kamid ah dhismaha maqaayadda isla markaana ay gudaha kula dagaalamayaan malleeshiyaadka.
Gudaha dhismaha maqaayadda ayaa waxaa mararka qaar laga maqalayaa rasaas isbada joog ah inkastoo ay sidii hore kasoo yaraatay.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Sayid Axmed Carab ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ee Gaashaan ay gudaha ku jiraan isla markaana howlgalku uu socdo.
Waxa uu intaa ku daray in qeeybo kamid ah dhismaha maqaayadda ay ka nadiifiyeen malleeshiyaadka, ciidamadana ay soo bad baadiyeen dad farabadan oo ku go’doonsanaa dhismaha waxaana dadkaas lasoo bad baadiyay kamid ah laba ruux oo ajnabi ah.
Ciidamada la dagaalamaya malleeshiyaadka ayaa afarta dhinac rasaas uga garaacaya dhismaha iyagoo doonaya inay malleeshiyaadka ka saaraan qeeybaha sare waxaana la maqlayaa qoryaha darandooriga u dhaca oo ay isticmaalayaan ciidamada Gaashaan.
Weerarkii xalay lagu qaaday maqaayadda Pizza House ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 15 ruux oo ay ku jiraan dad ajaaniib ah waxaana kamid ahaa mawaadin u dhashay dalka Syria oo shaqaale ka ahaa maqaayadda Pizza House.
Inkastoo afhayeenka laamaha amniga uu sheegay in ciidamada ay soo bad baadiyeen dad ku jiray dhismaha maqaayadda Pizza House hadana waxaa jira dad ay malleeshiyaadka ku heeystaan gudaha dhismaha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com