Ciidamada Galmudug oo la dul dhigay amar culus, kadib qaraxii Gaalkacyo

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka amniga maamulka Galmudug ayaa maanta ka qabsoomay magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb, xili ay muddooyinkii dambe xiisad amni darro ay ka jirto deegaano ka tirsan maamulkaas.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan taliyeyaasha booliska, nabad-sugid, guddoomiyaha amniga caasimada iyo saraakiil kale ayaa waxa shir-gudoominayey madaxwayne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid.

Waxa diirada lagu saaray shirkan sidii loo xoojin lahaa amniga iyo xasiloonida caasimada iyo dhamaan deegaanada Galmudug, iyada oo saraakiisha amniga la faray inay kaalin muhiim ah ka qaatan sugida amniga shacabka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa amar ku bixiyey in ciidamada kala duwan ee maamulkaasi aan la arki karin iyaga oo bilaa direys ah, isla markaana qori ku wata gudaha caasimada maamulkaas ee Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxa faray inaysan qeyb ka noqon askartu abuurista waxkasta oo abuuray xasilooni darro iyo inay shacabka ku furaan xabado aan loo meel dayin.

Shirkan ayaa imanaya xili ay deegaano kamid ah Galmudug ay ka taagan tahay amni daro, iyada oo dhawaan magaalada Gaalkacyo ee qeybta maamulkaas uu ka dhacay qarax ay ku dhinteen Mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Galmudug ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay weeraro uga imaanaya kooxda Al-Shabaab, iyada oo deegaanada maamulkaas ay ciidamo isku dhafan ah ka wadaan hawl-gallo lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasiloonida maamulka.