Korneel Masdile: Dowladda sidaan u dhaqmeysa waa inaan dalka ka xoreynaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Maxamuud Axmed Masdile, oo ay habeen horegurigiisa weerareen ciidamo isugu jira Haramcad iyo Gaashaan oo ka tirsan NISA, ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa xadgudub islamarkaana wixii ka dhasha ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya.

Korneel Masdile, oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho, ayaa sheegay in gurigiisa laga afduubtay saddex askari iyo laba qof oo shacab ah, sidoo kalane laga qaatay hub iyo agabyo kale oo ciidan.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in la qalqal geliyay dadkii ku noolaa guriga, islamarkaana qatar loo galay in uu dagaal dhaco balse uu ku amray ciidankiisa in aysan dagaalamin.

“Duulaan argagixiso ayuu ahaa, waayo aniga taliskayga looma sheegin, cid ii wacday oo aan ka diiday ma leh, waaran lama wadin sidaas darteed wixii ka dhasha dowladda ayaa ka masuul ah,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed Masdile oo ka tirsan saraakiisha Milateriga Soomaaliya.

Korneel Masdile ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka filayay weerarkaan,  maadaama hore loo weeraray saraakiil kale iyo mas’uuliyiin siyaasiin ah.

“Waan ka filayay weerar balse ma moodeyn inuu sidaan u dhacayo waxaana ii muuqata in dad gaar ah la beegsanayo iyo in dalka u baahan yahay xoreyn, waana xoreyn doonnaa” ayuu yiri Masdile.

Isagoo sii hadlaya ayuu iska fogeeyay inuu ku lug lahaa dagaalkii dorraad ka dhacay waqooyiga Muqdisho, inkasta oo wararka ay sheegayaan in isaga iyo saddex sarkala oo kale ay ku lug lahaayeen.

Korneel Masdile waxa uu shaaca ka qaaday inay jiraan saraakiil kale oo sidaan oo kale loo beegsanayo.

“Kaligeey ma ahan laakiin dad kale oo saraakiil ah ayaa lagu raad joogaa balse wax aan col aheyn lagama faa’idayo,” ayuu yir Korneelka.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay amar ku bixiyeen soo qabashada afar Sarkaal oo saddex kamid ah ka tirsan yihiin Milateriga Soomaaliya, halka kan kalane uu ka tirsanyahay dowladda Hoose ee Xamar, kuwaas oo lagu eedeeyay ku lug yeelasha dagaal ka dhacay Muqdisho Sabtidii.

Afartan sarkaal ayaa kala ah Cusmaan Xaadoole, Maxamuud Axmed Masdile, Abuukar Boonow iyo Maxamed Cusmaan Joorre.