Ciidamada GORGOR oo deegaan muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab

Marka (Caasimada Online) – Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor ayaa lagu soo warramayaa in saaka aroortii hore ay gudaha u galeen deegaanka Gendershe oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga Soomaaliyeed ay si nabdoon kula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi, kadib markii ay ka baxeen Al-Shabaab.

Howl-galka lagula wareegay Gendershe oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa horkacayey taliyaha ciidamada lugta Janaraal Maxamed Tahliil Geedi.

Gendershe ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo dhaca dhanka xeebta, waxaana dadka degan ay u badan yihiin Kalluumeysato.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi iyo la wareegitaanka ciidamada dowladda ee deegaanka Gendershe.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa duleedka magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose.