Rag hubeysan oo dil iyo dhaawac loogu geystay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad kooban oo saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo rag hubeysan.

Is-rasaaseynta oo ka dhacday agagaarka isgoyska Al-Baraka ayaa timid, kadib markii ragga hubeysan oo watay mooto Bajaaj ay dadka uga dhacayeen Mobeellada ay arkeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska oo ku sugnaa halkaasi, kadibna ay wada dagaalameen.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ragga burcadda ahaa la toogtay, halka mid kalena, isaga oo dhaawac ah ay gacanta ku dhigen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha hay’adaha amniga ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

Xalay ayey aheyd markii iska hor imaad xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, kadib markii ay dagaalameen ciidanka ammaanka iyo rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

Si kastaba dhacdooyinkan amni darrada ah ayaa ku soo aadaya, xilli dalka uu jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana la’isku diyaarinayo doorashada 2020/2021-ka.