Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay WANLAWEYN

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan uu ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen bar-koontarool oo ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin xaafadda Muuri oo ka tirsan degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi gaadmada ahaa lagu dilay ugu yaraan 4 askari, iyadoona lagu dhaawacay tiro kale, sida ay innoo sheegeen ilo dadka degaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu salka ku hayo muran ka dhashay lacago la sheegay in gaadiidka looga qaado koontaroolkaasi.

Xaaladda goobihii lagu diriray ayaa haatan aad u kacsan, waxaana halkaasi laga dareemaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya labada dhinac.

Wanlaweyn ayaa waxaa marar badan ku soo laa-laabtay dagaal beeleedyo siyaabo kala duwan uga dhacay degmadaasi, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho & dhaawac.