Ciidamada GORGOR oo nolosha ku qabtay xubno ka tirsan Al-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Gorgor ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada Bariire, Toortoorow, Mubarak, Shaam-garre, Jowhar yarey oo dhammaantood hoostaga degmadda Awdheegle ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galladan lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ahaa bartilmaameedka ciidamada sameeyey howl-galladaasi.

Saraakiil u hadashay ciidamada Gorgor ayaa sheegay inay howl-galladaas ku soo qab-qabteen illaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuna sugnaa deegaanada ay gaareen ciidamada ee hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi waxa ay kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xiriira howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Shabeelaha Hoose oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka socday guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii