Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada huwanta oo ka kooban Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Macawiisleyda ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhowaadeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Ciidamada huwanta ayaa illaa 40 KM u jirsaday Ceelbuur waxayna haatan wadaan gulufkii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan inay gudaha ugu galaan magaaladaasi.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug Cali Baashi Cabdulaalhi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dhaq-dhaqaaqa haatan ka socda aagga Ceelbuur, wuxuuna sheegay inay ciidamada huwanta ay u dhaqaadeen degmadaasi.
“Ciidamada DF iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya waxaa in muddo ah socday guluf howlgallo ah oo lagula jiray maleeshiyaad Khawaarijta, muhiimadda waxa ay aheyd in laga gacabn maroojiyo magaalooyinka ku haray gacantooda” ayuu yiri Cali Baashi Cabdullahi.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saacadaha soo socda ay la wareegi doonaan guud ahaan gacan ku heynta degmada Ceelbuur oo uu sheegay inay tahay magaallo istaraatiiji ah.
“Ceelbuur waxay ka mid tahay degmooyinka ku haray gacanta cadowga insha allah waxaan rajeyneynaa saacadaha soo socda inaan ka fara maroojino istaraatiiji ah Ceelbuur waxay noqon doontaa degmadii ugu dambeysay oo aan gacanta ku dhigno” ayuu sii raaciyay.
Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dadka deegaanka ku amartay inay isaga barakacaay guud ahaa magaaladaasi, waxaana xalay iyo saaka laga dareemay qax ay sameynayaan dadka deegaanka oo u baxay deegaano u dhow Ceelbuur iyo agagaarkeeda.
Ujeedka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dooneyso inay shacabka gabaad ka dhigato, ayna la aadaan dhanka dhulka howdka ah ee gobolka Galgaduud, maadaama dagaalladii ugu xooganaa iyo duqeymio culus ay ku wajahan yihiin goobaha ay ka joogaan gobolkaas.
Si kastaba Shalay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la wareegay deegaano muhiim ah oo ay kamid yihiin Wabxo iyo Coosweyne ee gobolka Galgaduyud.