24.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 27, 2025

Ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya oo qarax culus lagula eegtay magaalada…

Bookmark
Bookmarked

Share

Waajid (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Itoobiya qarax culus lagula beegsaday  degmada Waajid ee gobolkaasi, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac.

Qaraxa ayaa dhacay xilli ciidamada ay ku socdaalayeen halkaasi, waxaana miinada ay haleeshay mid kamid ah kolonyada ay wateen ciidamada Itoobiya. Qaraxa kadib ciidamada ayaa furay rasaas kooban, waxayna sidoo kale xayireen dhaq-dhaqaaqa waddada, inkastoo saacado kadib ay isaga tageen goobta lagu qarxiyay.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay qaraxaasi ayaa shaaca ka qaaday in ay ku dishay ugu yaraan 3 askari, halka ay ku dhaawacday 4 kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay gubeen mid kamid kolonyada gaadiidka ee ay wateen ciidamada qarxiyay

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana degmada Waajid iyo agagaarkeeda howlgallo ka sameeyay ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Koonfu Galbeed.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan qaraxa loo dhigay kolonyada ciidamada Itoobiya.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay weeraro isugu jiro, qaraxyo, kuwa toos ah iyo madaafiic ay Al-Shabaab ku qaadayeen fariisimaha ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaannada ay ka joogaan gobollada Baay iyo Bakool.

Inta badan Al-Shabaab ayaa si gaar ah dhabaha u gasho ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Shisheeye, waxayna ku qaadaa weeraro  gaadmo ah iyo kuwa qaraxyo ah oo inta badan gaysta khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Read more

Local News