Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo ku dagalaamay magaalada DIINSOOR

Diinsoor (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ay ku dagaalameen qaybo ka mid degmada Diinsoor ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ku billowday hoobiyeyaal, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta, isla-markaana dagaalka uu socday muddo saacad ah, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah, walow aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo kale oo gurmad ahaa lala beegsaday weerar dhaba-gal ah, ka hor inta aysan soo gaarin saldhigga lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Itoobiya ay isku ballaariyeen hareeraha saldhigga ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobollada Baay iyo Bakool.