Jubbaland oo ka hortegtay weeraro qaraxyo ah kadib..

Afmadow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaalia ayaa sheegaya in maanta ciidamada Jubbaland ay fashiliyeen qarax miino oo ay Al-Shabaab qorsheeyeen inay ka geysteen degmada Afmadow ee gobolkaasi.

Ciidamada daraawiishta Jubbaland oo sameeyey howlgallo amni xaqiijin ah ayaa ka hortegay qaraxaas oo lagu diyaariyey suuqa xoolaha ee degmada Afmadow, waxayna ku guuleysteen inay qarxiyaan miinadaaas, ayada oo aan geysan wax khasaare nafeed ah.

Saraakiisha Jubbaland ayaa shaaciyey in ujeedka kooxda Al-Shabaab uu ahaa inay qaraxaasi ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah iyo ganacsatada ku sugan halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay xog ka heleen dadka deegaanka, taas oo suura-gelisay in miinada ay soo saareen ciidamada ammaanka, kadibna ay qarxiyeen.

Jubbaland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadu ay weli wadaan baaritaano kale, si looga hortego weeraro qaraxyo ah oo ay suuragal tahay inay Shabaab ka fuliso halkaasi.

Howlgallada ay wadaan ciidamada Jubbaland ayaa waxaa horey sidaan oo kale loogu fashiliyey qaraxyo miino oo ay kooxda Al-Shabaab ku aastay duleedka Kismaayo, kuwaas oo uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaro dadka rayidka ah ee ku socdaala waddooyinkaas.

Muddooyinkii dambe ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka wada gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan magaallo xeebeedka Kismaayo oo haatan lagu diyaariyey ciidamadii ugu badnaa oo loo qorsheeyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.