Ciidamada Kenya oo garaac ku dilay afar dhallinyaro ah

Nairobi (Caasimada Online) – Meydadka afar nin oo dhalinyaro ah ayaa maanta laga helay Beer ay leeyihiin ciidamada Kenya, wuxuuna dilka dhalinyaradaas ka careysiiyey dadka deegaanka.

Afarta dhalinyarada ah ee meydkooda la helay ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen beerta dalaga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Uasin Gishu ee Rift Valley.

Raggaan ayaa la sheegay in qorshahoodu uu ahaa inay gurtaan Galey ka soo hartay dalaggii beeraha Kenya ee dhawaan soo go’ay.

Ilaaladii beerta ayaa la sheegay in ay qabteen dhalinyarada oo ay garaaceen ilaa ay ka dhintaan, taas oo aad looga carooday, maadaama ay xiri kareen, iyagoo aan dilin.

Dadka ku nool deegaanka uu falkaas dil wadareedka ah ka dhacay ayaa tilmaamay in meydadka qaar qabaan dhaawacyo rasaas ah.

Afar nin oo kale oo iyaguna beerta ku soo duulay ayaa weli laga daweynayaa dhaawacyo ay ka mid yihiin rasaas iyo nabaro soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa aad ugu xumaaday dhacdadaan waxaan ay sheegen in ay aheyd in ciidamada ilaalada ah ay qabtaan dhalinyaradan intii ay dilka u geysan lahaayeen.

Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in uu socdo baaritaan culus oo arrinta ku saabsan.