Ciidamada KENYA oo lagu eedeeyey dilka 167 qof

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday hay’adda Amnesty International ayaa waxaa eedeyn culus loogu jeediyey ciidamada dowladda Kenya, waxayna hay’addu soo bandhigtay tacaddiyo iyo dilal ay geysteen sanadkii lasoo dhaafay ee 2021-kii.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in Booliska ay si sharci darro ah u dileen illaa 167 qof sanadkii tegey, kuwaas  oo ay ku jiraan dad lagu soo qabtay iyaga oo jabinaya xayiraadaha Covid-19.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in ciidamadu ay mas’uul ka ahaayeen 33 qof oo raq iyo ruuxba lagu waayay sanadkii 2021.

Warbixinteeda waxyaabihii dhacay sanadkii 2021 ayay Amnesty ku eedeysay Booliska in ay isticmaaleen awood aan loo baahnayn oo mararka qaar sababaysay dhimasho, si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayaasha,.

Amnesty International ayaa sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in dadka la soo eedeeyay aysan wajihin cadaaladda, isla-markaana lagula kacay falal ka baxsan bani’aadanimada.

Dhanka kale weli Booliska Kenya kama aysan hadlin warbixinta ay soo saartay Ha’yadda mnesty International ee lagu eedeeyey ciidamadaasi.

Kenya ayaa horey loogu jeediyey eedeymo culus oo loo heesto ciidamadeeda oo geystay dhibaatooyin kala duwan oo gaaray dadka shacabka.