Ciidamada Kenya oo si ula kaca u Qarxiyay xarun ay leedahay Shirkada Hormuud

Gedo (Caasimada Online)-Ciidamada Kenya ayaa Qarxiyay Xarun is gaarsiineed oo ay Shirkada Hormuud ku laheyd degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Ciidamada oo watay gaadiidka gaashaaman ayaa Qaraxyo ku hardhay Xarunta Hormuud, waxaana xigay in mar qura lagu qarxiyo.

Qaraxyada ay ciidamadaasi ku burburiyeen Xarunta ayaa si gaara ugu taal halka lagu magacaabo Ceel-baande oo 3KM u jirta degmada Ceelwaaq.

Qaraxyada ayaa lagu burburiyay dhammaan dhismaha oo ahaa mid weyn, waxaana xigay in ciidamada Kenya falka kadib ay halkaa isaga tageen.

Xarunta ayaa waxaa lagu burburiyay qalab kala duwan oo ay kamid yihiin matooro, solarka ku shaqeeya cadceeda iyo qalab kale oo loo isticmaalayay Isgaarsiinta

Qaraxyadan ayaa saameyn ku yeeshay isgaarsiinta deegaanka, waxaana halkaa laga la’yahay dhammaan isgaarsiinta iyo adeegyada ay bixineysay shirkada.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan ay ciidanka Kenya gubeen xarumo Isgaarsiineed oo ku yaalla deegaanka Khadiijo Xaaji, Dhegalaab, iyo Tafey oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Gedo

Caasimada@live.com